BELEDWAYNE, HirShabelle – In ka badan 20 qof oo rayid ah oo ka soo ambabaxay magaalada Beledweyne kuna sii jeeday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, ayaa la rumeysan yahay in Al-Shabaab ay dileen subaxnimadii hore ee saaka.
Saddex ka mid ah gaadiidka dagaalka oo ay la socdeen maleeshiyaatka Macawiisley una socdeen in ay u gurmadan dadkan ayaa lala eegtay miinooyin dhulka lagu aaso , waxaana laga yaabaa in khasaaruhu intaa ka badan karo.
Shan qof ayaa ku dhimatay gaariga miinada lala eegtey oo ka dhacay Afar Irdood. Dadku waxay ahaayeen gurmadayaal doonayey inay goobta ka soo qaadaan dhaawacyadda.
Xoogaga gacansaarka la leh shabakada argagixisada ah ee Al-Qaacida ayaa xaqiijiyay in ay weerar ku qaadeen inta u dhaxeysa Beledweyne iyo Maxaas.
Kooxda ayaa sheegtay in ay dileen 20 ka tirsan “maleeshiyaadka Macaawisley ee deegaanka isla markaana ay burburiyeen 8 gaari oo kuwa xamuulka ah”.
Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay si xooggan u cambaareysay weerarkan ay ku tilmaamtey in uu yahay “mid bahalnimo ah”.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dadka la laayay ay yihiin dad rayid ah oo loo beegsadey “si ola kac ah” isla markaana Al-Shabaab ay ka aargoosaneysay abaabulka ka socda degaanka ee looga soo horjeeda dagaalameyaasha xagjirka ah.
GAROWE ONLINE
Sign Up For Our Newsletter
Subscribe to our mailing list to receives daily updates direct to your inbox!