NAIROBI, Kenya – Qof rakaab ah ayaa maydkiisa laga dhex heley duulimaad ay samaysnaysay diyaaradda Kenya Airways oo u kala gooshaysay Nairobi iyo New York.
War ay soo saartay shirkadda ayay ku sheegtay in qof rakaab ah laga waayay wax dhaqdhaqaaq ah, markii loo kuurgalayna la ogaaday in uu mayd yahay, iyada oo shirkadda ay ka tacsiyaysay.
Isla duulimaadkan tirsigiisa yahay KQ002 ayaa labo todobaad sidan oo kale qof looga heley maydkiisa xilli ay hawada ku jirtay doyaaradda, kana soo duushay New York illaa Nairobi.
Lama ogga waxa sababay dhacdadan la yaabka leh , balse dad badan ayay welwel ku beertay sida qof caafimaad qabay uu ugu dul dhiman karo diyaarad dusheed, oo keliya hal qad ka shaqaysa si isku xigxigta.
GAROWE ONLINE
Sign Up For Our Newsletter
Subscribe to our mailing list to receives daily updates direct to your inbox!